Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan Cali Kheyre iyo wefdiga uu hoggaaminayo ee maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in safar dhulka ah ku tego magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.
Wefdiga ra’iisul wasaraaha oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa goor dhow la filayaa in uu socdaalo dhinaca degmada Qardho,halkaasoo uu kula kulmi doono,boqor Burhaan boqor Muuse iyo xubno kale oo kamid ah isimada gobolka Karkaar,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre.
Ra’iisul wasaare Khayre iyo wefdigiisa ayaa horay loo qorsheeyay in ay u safraan degaanka Garacad ee xeebta gobolka Mudug halkaasoo maalmahan ay ka socotay qaban-qaabada soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha,waxase hadda la xaqiijiyay in wefdiga Khayre ay u baxayan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Wararka aan ka helayno saraakiil la safraya ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in markii hore qorshuhu ahaa in ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigo, deked cusub oo laga hirgelinayp degaanka Garacad ee gobolka Mudug,balse haatan ay wax iska beddeleen qorshahaasi,inakstoo aysan faahfaahin laga bixin,sida wax isu beddeleen.
Laakiin ilo-xog-ogaal ah ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in uu jiro cadaadis ka yimid maamulka Galmudug oo cabasho ka muujiyay in ra’iisul wasaruhu dhagax-dhigo dekedda Garacad,taasoo ay u arkaan sida la sheegay mid lagu curyaaminayo dekedda kale ee Hobyo oo uu hore u dhagax-dhigay madaxweyne Farmaajo.
PUNTLAND POST