Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya lagu dilay bartamaha suuqa weyn ee Bakaraaha xilli hore oo Axadda maanta ah.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu koobay Laba/xididgle.Maalin ayaa sida wararku sheegayan lagu dilay qeybta khudaarleeyda ee suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho,waxaana la xaqiijiyay in dilkiisa ay fuliyeen laba dhalinyaro ah oo baastoolado ku hubaysan,kuwaasoo durbadiiba goobta isaga baxsaday.
Sarkaalka la dilay oo sida la xaqiijiyay ka tirsanaa saldhigga Booliiska degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaanay jirin cid dilkiisa ilaa iyo haatan loo qabtay iyo cid sheegatay toona,waxaase arrintaan qeyb ka tahay amni-darro sii kordhaysa oo magaalada Muqdisho laga soo sheegayo,iyadoo isla saaka uu qarax khasaare geystay ka dhacay degmadaasi Hodon,gaar ahanna xaafada Galmudug loo yaqaanno.
Qaraxa saaka oo gaari nooca raaxada ah loogu xiray askar ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay hal askari,mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray sida ay xaqiijisay warbaahinta magaalada Muqdisho oo xigaynaysa goobjoogayaal.
PUNTLAND POST