Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya,Xassan Cali Khayre oo hadal kooban barxadda magalada Garoowe uga jeediyay kumanaan shacab ah oo u soo baxay soo dhoweyntiisaa ayaa si weyn ugu mahadceliyay dowladda iyo dadweynaha reer Puntland ee maanta aan u kala harin soo dhoweyntiisa.
Ra’iisul wasaare,Xassan Cali Khayre ayaa ku ammaanaya Puntland in ay xuddun u ahaan jirtay halgankii gobannima-doonka Soomaaliya ee Daraawiishta,islamarkaana bulshadeedu qeyb laxaad leh ka qaadatay xorriyadda iyo qarannimada dalka Soomaaliya.
Mudane. Khayre wuxuu sidoo kale bulshada reer Puntland ku tilmaamay in ay hormuud u yihiin il-baxnimada,xasiloonida iyo horumarka guud ahaan dadka Soomaaliyeed,isagoo xusay in shacabka Puntland ay fahamsan yihiin,sida loo xoojiyo dowladnimada iyo tiirarkeeda loogana ilaaliyo wax kasta oo maja-xaabinaya hanaqaadkeeda iyo horumarinteeda.
Wefdiga ra’iisul wasaare Khayre ayaa haatan loo gelbiyay dhinaca xarunta madaxtooyada Garoowe,halkaas oo isaga iyo madaxweyne Gaas ay saxaafadda si wadajir ah ugula hadli doonaan.
Socdaalkaan oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ra’iisul wasaare Xassan Khayre ku yimaado degaannada Puntland tan iyo intii loo magacaabay xilkaan ayaa sida warar ku sheegayan ku qotoma u kuurgalka xaaladaha ka jira Puntland iyo sidoo kale ka qeybgalka sannad-guurada 20 aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland sannadkii 1998.
Sidoo kale wararka ku xeeran safarka ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in uu dhagax-dhigidoono deked cusub oo laga hirgelinayo degaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaasoo maalintii shalay ahayd la geeyay ciidamo xooggan oo horudhac u ah socdaalka ra’iisul wasaaraha.
Hoos ka daawo hadalka Kheyre
Faahfaahinta:- kala socoPuntland Post