SHIRKII UGU HORREEYEY EE KORMEERKA IYO QIIMAYNTA AFRICA OO NAIROBI KU SOO XIRMAY.

Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa waxaa kusoo gebogeboobey shirweyne caalami ah oo ku saabsanaa kormeerka iyo qiimaynta Afrika (Monitoring and Evaluation Conference for Africa- Evidence to Action) waxaana kasoo qayb galay 37 waddan oo Afrikaan ah iyo khuburo ka socotey hay’ado iyo Jaamacado kala duwan

Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiha ah ee dawladda Puntland gaar ahaan Waaxda Kormeerka  iyo Qiimaynta (Department of Monitoring and Evaluation)  ayaa shirka ku meteleysey guud ahaa Soomaaliya

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii loo tayayn lahaa, laysuguna xiri lahaa kormeerka iyo qiimaynta ay sameeyaan Dawladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah iyo sidoo kale in laysku xiro kormeerka, qiimaynta iyo  cilmi barista la sameeyo iyadoona intii shirku socdey goobta laysku weydaarsadey Daraasado kala duwan oo  laga sameeyey qaaradda Afrika.

Waxa shirka aad loogaga dooday in guud ahaan Dalalka Africa ay yeeshaan Wasaaradda Koormeerka iyo Qiimaynta. (Ministry of Monitoring and Evaluation) Waxa soo bandhigay guulihii ay gaareen  Dalalka leh Wasaaradaha Koormeerka iyo Qiimaynta sida  South-Africa, Ghana, Benin , Sudan iyo Uganda.

Wasaaradda  Qorshaynta Puntland ayaa hirgalisay nidaamka kormeerka iyo qiimaynta puntland ( Monitoring and Evaluation System) kaddib markii waaxda kormeerka iyo Qiimaynta la tayeeyey islamarkaana dib casriyayn lagu sameeyey, loona  shaqaaleeyey shaqaale aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh shaqada Qiimaynta iyo Kormeerka

Ugu danbayntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay qodobbada hoos ku xusan

  1. In Manhajka Jaamacadaha lagu daro barashada Kormeer iyo Qiimaynta oo ah heerka kowaad iyo heerka labaad ee Waxbarashada Jaamacadaha. (Bachelor and Master’s degree in Monitoring and Evaluation)
  2. In la dhiso aqoonta. tayada iyo xirfadda, ee xirfadlayda kormeerka iyo qiimaynta.
  3. In la joogteeyo qabashada shirkan oo sanadkiiba hal mar ah (Sanadka danbe waxa casuumaadda shirka fidisay dalka Ghana)
  4. In laysku xiro xogaha koormeerka iyo qiimaynta (M&E Reports) iyo cilmi barista (Research)
  5. In xogaha lala wadaago dadwaynaha iyo cid kasta oo ay khusayso.
  6. In go’aan gaarista lagu saleeyo xogaha kormeerka iyo qiimaynta (Evidence based decision making)