Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen sarkala katirsan Al-Shabaab iyo 6 kamid ilaalo isaga la socotay.
Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) ayaa u sheegay warbaahinta Goordhow in ay dileen Macalin Deerow oo ahaa sarkaal sare oo katirsan Al-shabaab una qaabilsanaa Jidgooyooyinka loo dhigo Ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Howlgalkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Lafaale oo qiyaastii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Koofur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay in laga soo Furtay hub ay wateen Dagaalamayaashaasi la dilay ee Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan lagu dilay sarkaalkaasi kadib markii ay horay u la socdeen xogta sarkaalkaasi oo ku sugan deegaankaasi.
Majiro Wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi iyaga katirsanaa iyo askartii la socotay ee la dilay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho