Caawa ayaa waxaa madoobaaday Dayaxa inta badan Wadamada Caalamka gaar ahaan wadamada dhaca Geeska Afrika.
Dayaxa ayaa markii hore qeyb qeeyb u soo madoobaanayay inkastoo markii dambe guud ahaan uu madoobaaday.
Muslimiinta dunida ayaa u dareeray Goobaha cibaadada gaar ahaan Masaajida iyaga oo tukaday Salaada loo yaqaano Salaad Qusuuf ama dayax madoobaad.
Culumada ayaa dadka ka wacdinaya Masaajida iyaga oo u sheegaya in ay alle u laabtaan.
Sidoo kale wadamada kale ee xiligaan ay u tahay maalin ayaa la sii saadaalinayaa in ay dayaxu uu madoobaado.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho