Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u ansixiyay xeerka cilmiga denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha qarsoon,shayga loo adeegsaday denbiga,goobta iyo goorta falku dhacay.
Qoraal ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland khamiista maanta ah ee uu guddoomiyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay in dood dheer kadib la ansixiyay xeerkan oo ay soo diyaarisay hay’adda cilmiga denbiyada(The Bureau of Forensic Science).
Xeerkan la meel mariyay ayaa todobaadkii hore loo qeybiyay xubnaha Golaha wasiirada Puntland,waxaana lagu tilmaamay mid bulshada loogu adeegayo oo baahi weyn uu dalku u qabay,sida ku xusan qoraalka ay xukuumaddu soo saartay.
PUNTLAND POST