Golaha xukuumadda Puntland oo loo qeybiyay xeer ku saabsan baarista denbiyada

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cameey

Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay madaxweyne Ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa xubnaha wasiirada loogu qeybiyay xeerka cilmi-baarista denbiyada oo qeexaya habka caddaynta xogta denbiilaha daahsoon,maadada denbiga loo adeegsaday,goobta iyo goorta la geystay denbiga.

Golaha xukuumadda Puntland ee loo qeybiyay xeerkan ayaa ansixintiisa u ballamay Kulanka xiga ee Khamiista todobaadka soo socda.

“Golaha xumuumadda Dowladda Puntland ayaa loo qeybiyay Cilmiga barista danbiyada. Xeerkan oo dalku baahiweyn u qabo ayaa qeexaya habka caddaynta danbiilaha dahsoon,maadada loo adeegsaday,goobta iyo goorta ayay golahu si qoto dheer uga doodeen waxaana loo balamay kulanka xiga ee golaha xukuumadda in lagu meel mariyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee khamiista maanta ah.

 

PUNTLAND POST