Madaxweyne Gaas oo markii ugu horaysay ka hadlay mudo kororsi Dawladiisa lagu tuhmaayo

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay ka hadlay mudo kororsi si aada dadweynuhu u aaminsan yihiin inay damacsan tahay xukuumada uu hogaanka u hayo.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium  ayaa sheegay inuusan garanayn meesha laga keenay mudo kororsiga Dawladiisa lagu eedaynaayo, wuxuuna sheegay inuu xaqiijinaayo inay doorashadu xiligeedii dhici doonta aysana jirin mudo kororsi uu samayn doono.

Madaxweynaha Puntland oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay inaysan jirin cid xukunka ku haysan Karta mudo kororsi iyo awood balse kursiga lagu joogi karo oo kaliya rabitaanka dadweynaha, wuxuu ugu baaqay murashixiinta kursigiisa u ordaaya inay si hufan u tartamaan joojiyaana dacaayadaha la fidinaayo.

Mudoooyinkii ugu danbeeyey ayey dadweynuhu si aada u hadal hayeen in Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali uu qorshaynaayo inuu korarsado mudadiisa xil haynta oo ay ka dhiman tahay bilooyin kooban, iyadoo ay arintana si aada uga hadleen dadweynaha kala duwan haba ugu badnaadeene siyaasiyiinta mucaaradka.

PUNTLAND POST