Farmaajo, Faysal iyo Galeydh oo ku Kulmay Brussels


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Brussels ee caasimada dalka Biulgimka ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasi Cali Khaliif Galeydh.

Kulankaan ayaa sida la sheegay waxaa codsaday Madaxweyne Farmaajo in uu la qaato Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif.

Kulanka ayaa qaatay saacado badan waxaana looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Kulanka kadib Faysal ayaa la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay in guul uu ku soo dhamaaday kulankii dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Runtii Madaxweynaha isaga ayaa naga codsaday kulanka waana ka aqbalnay, waxaan u sheegnay in xilligan aanan loo baahneyn dhibaato, waxaanu siinay aragti waalidnimo, maadaama aan ka weyn nahay, waxaanu ka codsanay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, nabada ayaanu ka shaqeynaynaa, Farmaajo hadii uu diyaar u yahay horay u socod haka furo Hargeysa Safaaradda Soomaaliya.”ayuu yiri Faysal.

Madaxda Soomaalida ayaa ka qeybgalay Shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay Brussels .

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post