Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay Nin dhalinyaro ah oo Aabihiis ku dilay gobolka Jubbada Hoose.
Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa dilay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Shariif Kalar oo ahaa Aabihiis.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta uu wiilkaasi dhalinyarada ah uu Aabihiis u dilay.
Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaasi iyaga oo hadda weeydiinaya su’aalo ku saabsan sababta uu aabihiis u dilay.
Ninkaan ayaa dilka Aaabihiis u adeegsaday Baangad uu qudha kaga Jaray Allaha u naxariistee Aabihiis Cabdullaahi Shariif Kalar.
Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in ay dib warbaahinta ugu faah faahin doonaan qaabka uu falkaan u dhacay iyo sababta uu Aabihiis u dilay Wiilka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post