Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Brussels

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka duulaya garoonka Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay ku sii jeedaan Magaalada Brussels  ee caasimada dalka Belgium-ka.

Madaxweynaha ayaa Brussels  ugu qeeybgali doono 16-ka bishaan shir muhiim ah oo looga hadlayo xaaladaha amaanka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalaya xubno sar sare oo katirsan wadamada Caalamka kuwaasi oo daneeya arimaha Soomaaliya.

Shirkaasi oo shirar hordhac u ah ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ugu dambeeyn ka dhacaya Brussels .

Shirkaasi ayaa lagu lafa guri doonaa Amaanka dalka Soomaaliya taakuleeynta ciidamada Soomaalida iyo sidii amaanka dalka ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku suganyahay kulamo la qaadan doonaa madax kala duwan oo beesha caalamka ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho.