Maamulka Degmada Baraawe Gobolka Sh/Hoose Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray amar ay haweenka kaga mamnoocayaan in ay xirtaan indha shareerka.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo saareen Amar ah in haweenka Baraawe aanay xiran ka rin Indha shareerka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatooyin amni darteed ay u mamnooceen indho shareerka ay haweenka xirtaan Degmada Baraawe.
Waxa uu sheegay in ay qabteen Rag badan oo xirtay indha shareer islamarkaasina falal amni daro ka geeysta Degmadaasi.
Haweenka ayuu ugu baaqay in ay fuliyaan amarka ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Taliska Ciidamada Amaanka iyo kuwa Milatariga.
Degmada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca Falal isugu jira qaraxyo iyo dilal iyo weeraro toos ah oo ay soo qaadaan Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho