Dagaal ka socdo Xaradheero

Wararka naga soo gaaraya saaka Degmada Xaradheero ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi hadda uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo Al-shabaab iyo dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku darayaan in dagaalka uu biloowday xalay saqdii dhexe ilaa haddana uu socdo.

Dagaalkaasi ayaa salka ku hayo kadib markii dadka deegaankaasi iyo Al-shabaab uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Khilaafka ayaa ahaa in Al-shabaab dadka deegaankaasi ay ku amreen in ay dhalinyaradooda ku soo wareejiyaan si dagaalada Al-shabaab ay uga qeyb qaataan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka deegaanka ay ka soo horjeysteen awaamiir ka soo baxday Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi maadaama dagaalka hadda uu socdo.

Magaalo xeebeedka Xaradheere ee dhacda Gobolka Mudug ayaa waxa ay kamid tahay meelaha ay ku xooganyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

PUNTLAND POST