HAY,ADDA GRT OO GAROOWE KU QABATAY Kulan LOOGA HADLAYO WADA SHAQAYNTA BULSHADA IYO LAAMAHA AMAANKA

Hay,adda GRT ayaa maantay Magaalada Garoowe ku qabtay Tababar looga hadlayey wada shaqaynta Bulshada iyo laamaha Amniga ee Magaalada Garoowe.

Tababarkaan ayaa waxaa loo qabtay laamaha amniga gaar ahaan Booliska,Guddiyada Xaafadaha dhalinyarada iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Kulanka ayaa lagu lafaguray sidii xal loogu heli lahaa sidii looga hortagi lahaa tacadiyada haweenka iyo gabdhaha islamarkaana kor loogu qaadai lahaa wadashaqaynta Bulshada iyo laamaha Amniga.

Waxyaabaha lagu korfeeyey inta uu socday kulanku dhibaatada amni daro ee ka jirta magaalada Garoowe sida dhalinyarada Mopilka Furata,Gaadiidka Bajaajta oo dhibaato u gaysta bulshada iyo tacadiyada loo haweenka loo gaysto.

Muxubo Siciid Maxamed Madaxa Waaxda Tacadiyada Hay,ada GRT oo furitaanka shirka ka hadashay ayaa sheegtay in kulankaa loo qabtay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta laamaha amniga iyo  bulshada loogana hortagi lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Agaasimaha Waaxda arimaha Bulshada ee dowladda Hoose Cabdicasiis Maxamed Cali oo shirka furay ayaa sheegay wadashaqaynta bulshada iyo laamaha amaanku inay sababayso in laga hortago tacadiyada looga gaysto haweenka iyo gabdhaha.

Agaasimaha Xaafadaha ee Dowladda Hoose Ee Garoowe Xaliimo Cabdulqaadir ayaa Hay,ada GRT uga mahad celisay kulankaan muhiimka ah ee ay u qabatay bulshada iyo laamaha amaanka iyadoo sheegtay in kulankaan uu kusoo aaday xili muhiim ah.

Mahan markii ugu horaysay oo Hay,ada GRT ku qabato Puntland kulamo ay u qabato bulshada iyo laamaha amaanka kaas oo looga wacyigalinayo tacadiyada Haweenka iyo Gabdhaha.

Halkaan Ka Daawo Sawiradda.

 

PUNTLANDPOST.NET