Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Gudomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Mohamed Mursal Sheikh oo booqasho Ku Jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

Kulanka labadda Mas’uul ayaa loogu hadlay  Xiriirka Labada dal Iyo Iskaashiga Caalimiga.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Geelle ayaa sheegay in Dowladiisa ay garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay soo dhaweynayso hormarka ay gaartay mudadii ay jirtay.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Booqasho Labo Maalin ah ku Joogo Wadanka Jabuuti isaga oo la kulmay dhigiisa dalkaas iyo Raisulwasaaraha Jabuuti Cabduqadir Kaamil Maxamed.

 

PUNTLAND POST