Kheyre oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayay soo wareejinta maamulka hawada

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayay soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Guddiga labada aqal ee gaaadiidka iyo duulista hawada, gudoomiyaha haweenka qaranka Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo masuulyiin kale, iyada oo dhamaan masuuliyiintii ka hadashay ay ku ammaaneen xukuumadda sida ay dadaalka ballaaran ay u gelisay soo wareejinta hawada Soomaaliya oo ganacta dawladda ka maqneyd waqti dheer.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in ay laba jibaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah.

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego. hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilow ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Khayre.

“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaare Khayre.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii bishaan June si dhameystiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya.

PUNTLAND POST