Khudbadda Madaxweyne Gaas ee furitaanka kal-fadhiga Baarlamanka?

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa sabtida maanta ah khudbad dheer ka jeedinaya furitaanka kal-fadhiga 41 aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Khudbadda madaxweynuhu u jeedinayo Golaha Wakiilada oo ku soo beegantay wakhti xasaasi ah ayaa lagu wadaa in uu diiradda ku saaro waxqabadkii xukuumaddiisa ee mudadii afarta bilood ee u dhexaysay kal-fadhiga saaka furmaya iyo kii ka horreeyay.

Arrimaha Amniga Puntland,gaar ahaanna colaadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa la filaya in madaxweyne Gaas uu si gaar ah khudbaddiisa uga hadlo,islamarkaana Baarlamanka taageero uga raadsado dagaalka ay xukuumaddiisu iclaamisay ee la sheegay in lagu soo celinayo degaannada ka maqan Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa laga sugayaa in uu jawaab cad ka bixiyo warar maalmahan dambe soo baxay oo sheegaya in uu mudda-kororsi raadinayo,iyadoo maalintii shalay siyaasiyiin ku bahoobay Puntland Focus Group ay arrintaasi ka digeen.

PUNTLAND POST