Jubbaland oo dil toogasho ku fulisay askar

saddex asakri oo la toogtay

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa  maanta xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah.

Saddexdan askari ayaa horey u dilay dad shacab ah, waxaana kamid ah Cabdullaahi Asad Ismaacil oo dilay xaaskiisii marxuumad Muxubo Maxamed Guure, C/rashiid Axmed Xasan oo dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo dilay Marxuum Cawil Colow Xasan.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda ciidamada ay horay u dhageysatay kiisaska askartan, ugu dambeyna ay maanta fulisay dilka toogashada ah.

Toogashada askartan ayaa ka dhacday garoonkii hore ee diyaaradaha ee Akadeemi oo ku yaal waqooyiga magaalada Kismaayo.

 PUNTLAND POST