Ra’iisul wasaare Kheyre oo beeniyay in heshiis lala galay Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo boqolaal Soomaaliyeed kula hadlayay Dalka Norway ayaa been abuur ku tilmaamay in Itoobiya heshiis lala gaaray.

Waxa uu sheegay in aanay jirin in dowlada Soomaaliya ay heshiis la gaartay Dowlada Itoobiya isaga oo sheegay in bulshada Soomaaliyeed lamar habaabinayo.

“Waxaa jira dad ka soo horjeeda dowladnimada oo weliba  Facebook wax ku siyaasadeeya, dadkana xumaan uga dhiga, heshiiskii itoobiya iyo Soomaaliya ee lagu gaaray Muqdisho war-murtiyeed ayaa lagu soo saaray in dhaqankii hore wax laga bedelo iyo in dekedaha Soomaaliya loo furo si ay u isticamalaan” ayuu yiri Kheyre.

Bulshada Soomaaliyeed qaarkood ayaa si aad ah uga soo horjeeystay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray Muqdisho ee ku aadanaa dekadaha.

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho