Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka FS oo Maanta ka Dooday Qodobbo Xasaasi ah

Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo warbixinno kala duwan looga dhageystay guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia, waxaana shir-guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, waxaana inta uu kulanka uu socday laga dooday dhibaatooyin ka jira waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo oo dadka shacabka ah ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in Waddadaas kufsi loogu geystay gabdho ka badan toban, kuwaasoo qayb ka ahaa dad ku safrayay waddadaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta baalamaanka Somalia oo hadda heer gaba-gabo ah maraya.

Marka la dhameystiro dhismaha xaruntan xildhibaanada Golaha Shacabka waxay u soo wareegayaan xaruntooda, waxaana dhismo lagu billaabayaa xarunta weyn ee golaha shacabka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dar-daarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

PUNTLAND POST