AKHRISO: Qodobbada Heshiiskii ay Muqdisho ku kala Saxiideen Farmaajo iyo Abiy Ahmed Ali


Muqdisho (PP) ─
Dowladaha Somalia iyo Itoobiya ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16-qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay Madaxweynaha DF, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Haddaba, Akhriso Qodobbada heshiiska oo dhameystiran;

1. Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulanku uu socday ayaa labad mas’uul waxay dib u soo cusboonaysiiyeen ballan-qaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaalnimada, dhaqanka, darisnimada iyo is-tix-gelinta labada dal.

2. Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan Wada-sheynta guud, xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya – iyo iyadoo la dhowrayo madax-banaanida labada dal.

3. Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya is-kaashiga labada dal oo horay loogu heshiiyay, kaasoo ah heer wasiir, kaasoo ka shaqeyn doona horumarinta cilaaqaadka dublaaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhexeeya labada waddan.

4. Sidoo kale hir-gelinta xafiisyo dublamaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is-dhaafsi ah uga sameynayaan Magaalooyinka iyo Gobollada Somalia iyo Itoobiya, fududeynta is-dhex-galka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka.

5. Waxaa la isku af-gartay muhiimadda is-kaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maal-gashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaarsiin lahaa labada waddan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

6. Waxaa lagu heshiiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku hor-gudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta is-dhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’iideysto awoodda wax-soo-saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha, waddooyinka.

7. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loo maal-gashado afar dekadood oo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku-xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisi doonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hir-gelinta qoddobada lagu heshiyay.

8. In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maal-gelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasoo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac.

9. In loo baahan yahay xoojinta nabadda iyo xasillooni waarta oo ay ku noolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la-dagaallanka argagixisada, waxaana si wadajir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaan.

10. Dowladda Federaalka Somalia, waxay uga mahad-celisay Dowladda Itoobiya ciidamadeeda qaybta ka ah halw-galka AMISOM sida ay naftooda ugu hureen inay shacabka Soomaaliyeed ka difaacaan kooxda Al-shabaab.

11. In mudnaan gaar ah la siiyo doorka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Dalka Somalia, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hor-tago khatar kasta oo ku wajahan Gudaha iyo Dibadda, Waxayna si wadajir ah ugu baaqeen Dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Somalia.

12. Waxay si wadajir ah oo cad u sheegeen in dhan kasta uu xushmeeyo madax-bannaanida dalka kale iyo sharafta dhuleed iyo kala madax-bannaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha Somalia inay si dhab ah uga wada-shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

13. Arrimaha caalamiga ah; Waxay ugu baaqeen QM inay la timaaddo nidaam wax-tar badan leh oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, iyadoo sidoo kale isku-raacay in laga doodo in dhibaatooyinka haysta wadamada Afrika xal waara loo helo.

14. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay Hoggaanka Dowladda Somalia sida ay uga dhabeeyeen ballan-qaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, Wuxuuna xusay in dowladdu ay ku guuleysto inay ka gudubto caqabado badan, isla markaana ay u jahaysatay dhanka horumarka.

15. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna Farmaajo ku booriyay inuu fuliyay qorshihiisa is-bedellada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid wax-tar u leh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

16. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Somalia sidii loogu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay aad ugu farxeen soo dhaweyntii ballaarnayd ee loo sameeyay, wuxuuna Somalia u rajeeyay nabad iyo horumar ballaaran.

Ugu dambeyn, Wafddiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayaa kulanka kaddib ka dhoofay Muqdisho, waxaana sii sagootiyay xubno uu hor-kacayay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia.

PUNTLAND POST