Muqdisho:- Madaxweyne Farmaajo oo maanta la ciiday bukaano jiifa Isbitaallo

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta kormeeray Isbitaallo ku yaala Muqdisho gaar ahaan Madiina iyo Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inay dowladdiisu kaalin mug leh siinayso horumarinta iyo dib u habeynta goobaha iyo adeegyadda caafimaad ee ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha oo warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaalladda ayaa gaarsiiyay qalab caafimaad oo loogu talagalay gargaarka deg dega iyo agabyo kale wuxuu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

“Intii uu ku guddo jirey kormeerka wuxuu isdul taagay Mudane Farmaajo xaaladda bukaannadda iyo dhaawacyo ka tirsan ciidanka Dowladda Federalka wuxuuna yiri isagoo la hadlaya “ dhaawacani waxay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeena, dadnimadeena, sharafteena, waana arrin ay idin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladuba, sidaas darteed waxaan idin xaqiijinayaa inaan mar kasta dadaal u galayo daryeelkiina” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST