Madaxda Puntland oo salaadii ciida la tukaday shacabka Garowe


Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa maanta qobolaal shacabka magaalada Garowe ah kala qeyb galay tukashada salaadii ciidul fidriga.

Salaada Ciida oo lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha, saraakiisha ciidamada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, culumo iyo shacab weynaha caasimada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada sidoo kalena Dowladda ka codsaday in ay sii wadaan howlgalada cadowga looga xoraynayo goobaha ay ku hareen.

Dhinaca kale Madaxweyane ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban munaasabada ka jeediyey ayaa ku dheeraaday difaaca Puntland, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xoraynta golbolka Sool iyo guud ahaan difaaca dalka isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo.

Sidoo kale Madaxweyana Puntland ayaa ka hadlay colaada gobolka Sool oo uu ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku sheegay nin waalan.

“Shacabka reer Puntland mid baan dhahayaa, shacabka gobolka sool iyo horgalayaasha Soomaali diidkana mid baan dhahayaa, dadka reer waqooyi galbeedna mid baan dhahayaa, dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir, jihaadka la galayaa waa mid sax ah oo dhab ah, nin gar darana ma guulaysanayo, dadweynaha reer Sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda gabadha reer Sool ee barooranaysa waxaan u sheegayaa, in ilmadeeda dhulka ku dhacaysaa ay xidido hor leh qoynayso, in ay geedo weyn abuurayso, horgalayaasha jeegaanta waxaan leeyahay cunadiina wadada wanaagsan u mara, waad helasaane haddaad diidaana waxaad ka heshaan ayaan ogaan doonaa, in aad adduunka ceeb ku noolaataan aakhirana ciqaab mudataan ayaan idiin rajaynayaa, ummadda waqooyi galbeed waxaan leeyahay anagu dad meel degan kuma aanu duulin mana rabno ee Muuse iyo jeegaantiisa waxay khatar ku yihiin waa idinka jiritaankiina, ma ahan kaliya anaga xataa wuxuu dhibaato u gaystay dad reer Somaliland ah, qofka waalani naftiisa iyo umaddaba khatar buu ku yahay, waxaa waajib idinku ah in aad iska qabataan si aad ummadda kale wadajir iyo deris wanaag ugula noolaataan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara.

PUNTLAND POST