Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag oo maanta looga ciiday si ka duwan Soomaaliya

Colladda ka dhex jirta awgeed labo beelood oo walaalo ah waxaa maanta labo goobood oo kala duwan ay ku tukadeen shacabka ku nool degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ciidaan oo noqonaysa middii saddexaad oo sidaan oo kale ay ugu kala tukadeen labo masjid shacabka Ceel-Afweyn ayaa misna tilmaamaysa inay noqotey degmadda kaliya oo maanta si ka duwan guud ahaan dalka Soomaaliya looga ciiday.

Muuqaalo ay soo gudbiyeen wariyaal madax banaan ayaa lagu arkayaa saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo halkaaas u jooga hawlgalo la xiriira kala dhexgalida dirirta deegaankaas ku dhexmarta labo beelood oo walaalo ah oo kasoo jeeda waqooyiga dalka Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo colaadda ka jidha deegaanka Ceel Afweyn oo aan weli loo helin xal heshiis waxay sababtey dhimashada dad kor u dhaafaya 40 qof oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo kasoo kala jeeda dhinacyadda colaaddu u dhaxeyso.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.