Wadamada Saudi Arabia, Algeria, Libya, Egypt, Kuwait, Qatar iyo Indonesia ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciidul Fidriga
Sidaasi waxaa goordhow baahiyay Tv-ga Aljazeera oo soo xiganaya Ururka ay ku mideeysanyihiin wadamada muslimiinta Caalamka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (IAC), ayaa ku dhawaaqay in bari ay tahay maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga.
Wadamadaasi ayaa sheegay in bishii ay arkeen.
Wali dalka Soomaaliya kuma dhawaaqin in bishii laga arkay dalka Soomaaliya Wasaarada Diinta iyo Owqaafta Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay bari ku dhawaaqdo in ay tahay maalin ciid ama la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan.
Muslimiinta dunida ayaa si kjilaaf la’aan ah u soo soomay 29-bari waxaana la rajeynayaa in khilaaf la’aan ay ku afuraan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho