Akhriso:- Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland?

Shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista oo uuu shir guddooominayay Madaxweyne Gaas ayaa looga hadlay arimaha amniga, dhibaatada tahriibka iyo xeerka biyaha.

War-saxaafadeed ka soo bxay shirkaas ayaa lagu xusay in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo geysanayo birimagaydada iyo waxgaradka gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laacaanood.

Sidoo kale golaha ayaa war-saxaafadeedkoodu ku cadeeyay in lala socdo qaswadayaasha ka dhanka ah amniga Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxayna goluhu fareen shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan laamaha amniga gaar ahaan xiliyada ciida lagu gudo jiro.

Dhanka kale golaha wasiirada Puntland ayaa ka hadlay aafada joogtada ah ee qulqulka tahriibka waxayna sheegeen in leyska kaashado shacab iyo dowlad sidii loo joojin lahaa waxyeelada tahriibka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

PUNTLAND POST