Rugcaddaa Saxaafadeed Maxamed Aadan Teerre oo ku geeriooday dalka UK.

Alle ha u naxariiste, waxaa maanta magaalada London ee dalka Ingiriiska ku dhintay rugcaddaaga weyn ee dhinaca Saxaafadda Maxammed Aadan Xirsi(Teerre) oo haatan ahaa agaasimaha television-ka dowladda Puntland ee qaaraddaYurub.

Geerida weriye Teerre ayaa lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland,waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas).

Marxuum Maxamed Aadan Teerre ayaa saxaafadda ku soo biiray sannadkii 1973,isagoo agaasime ka soo noqday Radio Muqdisho,sidoo kalena xilal ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta dalka Soomaaliya.

Halkaan ka daawo taariikh-nololeedkiisa.

PUNTLAND POST