
Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aan la sii fiirsan Karin cabudhinta ay Somaliland ku hayso shacabka ku nool degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoomiyay,madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa lagu sheegay ,in shacabka magaalada Laascaanood oo astaan u ah midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ay haatan ka imaanayso qayla-dhaan ku aaddan in laga soo gaaro maamulka Somaliland.
Shirka ayaa sidoo kale warbixin looga dhegaystay,madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ka warramay heshiiskii maalin ka hor lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ku saabsanaa amniga dalka,waxaana madaxweynuhu sheegay in lagu heshiiyay”dhisidda ciidan astaan qaran leh oo ka fog hayb iyo gobol”.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale xusay in is-faham laga gaaray habka wadaagga khayraadka dalka,gaar ahanna macdanta iyo shidaalka oo uu sheegay in loo marayo hannaan Federaal ah.
Dhinaca kale Golaha xukuumadda Puntland ayaa intii shirku socday loo qeybiyay,xeerka biyaha Puntland oo qeexaya beekhaaminta kaydka khayraadka biyaha,islamarkaana si gaar ah u xoojinaya maareynta iyo horumarinta adeegga biyaha Puntland.
Halkaan ka akhriso War-muriyeedka.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar