Itoobiya oo qaadatay go’aan taariikhiya oo ay Ereteriya ugu daysay dhulkii ay isku hayeen

Dawlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay ogolaatay heshiiskii nabada ee gudiga xuduudaha caalamiga ay soo jeediyeen ayna ka bixi doonaan dhulkii uu gudigaasi u calaamadiyey Dawlada Ereteriya si ay dhulkeeda ula wareegto.

Arintan ayey Dawlada Itoobiya ku macnaysay inay uga goleedahay si loo soo afjaro xiisadihii uu dhiigu ku daatay ee u dhaxaysay labada Dal.

Labada dal ayaa colaad xoogan ay u dhaxaysay tan iyo xiliyadii uu muran dhuleedku bilowday. Itoobiyana waxay diiday inay aqbasho natiijadii kasoo baxday gudigii xadaynta xuduuda oo qayb ka ahaa heshiiskii la gaaray.

Natiijadii ka soo baxday heshiiskaasina Itoobiya waxay diiday inay ciidankeeda ka saarto dhulka lagu muransan yahay, Ereteriyana waxay ku eedaysay Itoobiya inay xoog ku haysato dhulkeeda.

Iminka Itoobiya waxay ciidamadeeda kala bixi doontaa deegaano ay ka mid tahay magaalada Badme.

‘Ereteriya waa inay qaado tilaabo noocan oo kale ah iyadoon wax shuruud ah ku xirayn ayna aqbasho baaqeenan si loo soo celiyo nabadii luntay ee labada dal ee walaalaha ah’ waxaa sidaasi lagu qoray bogga Facebooga ee ururka EPRDF.

Ereteriya ayaa diiday inay wax wadahadal ah la gasho Itoobiya ilaa ay ka ogolaanayso shuruud la’aan natiijadii ay soo saareen gudigii xuduuda loo xilsaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa balanqaaday inuu nabad ka keeni doono dalka Ereteriya markii uu xilka qabtay.

Hadii Itoobiya ay ciidankeeda ka saarto xuduuda lagu muransan yahay waxay taasi muujin doontaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay nabada ay sheegayso.

PUNTLAND POST