In ka badan 80 xubnood oo Al-shabaab looga dilay gobolka Bari.

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan buuraha Galgala.

War-saxaafadeed shalay ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta laga fuliyay meel 26 mile koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,labadii bishaan June,islamarkaana lagu dilay 27 argagixiso ah.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu xaqiijiyay in aan  weerarka wax khasaare ah ka soo gaarin dad shacab ah.

Dhinaca kale dowladda Puntland ayaa sheegtay in weerarka halkaasi laga fuliyay uu jawaab celin u ahaa,weerar habeenkii sabtida ee labadii bishaan June ay Al-shabaab ku qaadday xero ay ku sugan yihiin ciidamada Badda Puntland oo ku taalla degaanka Balli-khadar ee Calmadow.

Dowladda Puntland waxay sidoo kale xaqiijisay in weerarka ay ku dhinteen  50 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab,lagana furtay hub iyo saanad.

Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in dhimashada Al-shabaab ay gaarayso ilaa 80 ruux,kuwaasoo ku dhintay dagaalka ay ku qaadeen ciidamada Puntland oo kaashanaya duqeynta cirka ee Maraykanka.

PUNTLAND POST