ICG oo dhinacyada Soomaalida uga digtay in ay ku milmaan muranka Khaliijka.

Ururka xasaradaha adduunka ee (ICG) ayaa dhinacyada Soomaalida uga digay  in ay ku milmaan  muranka adag  ee u dhexeeya dalalka  Gacanka Carabta,taasoo ay ku tilmaameen mid wiiqaysa xasiloonida iyo degga’anaanshahaSoomaaliya.

ICG  ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya,maamul goboleedyada dalka,iyo siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in la kala safashada dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka aloosan,waxaana ururku sheegay in haddii taasi dhacdo ay khatar weyn gelinayso xasiloonida waddanka,islamarkaana ay fursad ka helayaan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya.

Warbixin dheer oo International Crisis Group ay ka qortay, saaamaynta khilaafka Gacanka Carabtu ku yeelan karo siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay,in dalka Imaaraadka Carabta oo kamid ah dalalkii go’doomiyay Qadar uu xiriir hoose la leeyahay maamul goboleedyada dalka,halka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xiriir dhow la leedahay dhinacyada Qadar iyo Turkiga.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in loollanka u dhexeeya Qadar iyo dalalka kale ee Khaliijka u si toos ah u saameynayo xasiloonida Soomaaliya,maadaama labada dhinac ee is-hayaa mid walba xulafa gaar ah ku leeyahay siyaasiyiinta Soomaaliya.

ICG ayaa sidoo kale ku baaqday in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Imaaraadka Carabta ay wada-hadal ka yeeshaan,si loo xalliyo xurgufta siyaasadeed ee dhowaan soo kala dhexgashay labada dhinac.

Wada-hadal ay yeeshaan dowladda Federaalka iyo UAE ayaa ICG ku tilmaantay mid Soomaaliya ka badbaadin kara,qalalaase siyaasadeed oo ka dhex qarxa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.