Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa faahfaahiyay shirka amniga qaranka looga hadlayo ee maanta ka furmayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Madaxweyne Shariif Xasan oo Maamulkiisa uu marti galinayo shirkaasi ayaa sheegay in shirka uu maanta furmayo islamarkaasina madaxda ay soo gaarayaan Baydhabo.
Waxa uu sheegay in shirkaasi oo ah mid muhiim ah looga hadli doono amaanka guud ee dalka Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada in shirkaasi is afgarad uu ku dhamaado.
Wali ma cada madaxda dowlada shirkaasi ay u wakiilatay oo ka qeybgalaya hayeeshee waxaa la shaaciyay in wakiilo ka socdo dowlada Soomaaliya in ay shirkaasi ka qeybgali doonaan.
Tan iyo markii uu soo bilaawday khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ma jirin madax ka socotay dowlada Soomaaliya oo ka qeybgalay shirar ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo.
Hoos ka dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post