Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa ku wajahan goordhow magaaladaasi Baydhabo.
Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi uu ka furmo shirka amniga qaranka.
Qaban qaabada shirkaan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka soo gala Xarunta uu shirka ka dhacayo.
Baryihii ugu dambeeysay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeya Madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post