In ku dhow 10 ruux oo lagu dilay Muqdisho

Tan iyo markii laguda galay bishaan barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa sii kordhaya dilalka loo geeysanayo dadka rayidka ah iyo askarta ciidamada dowlada Soomaaliya.

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay askar iyo dad shacab ahaa.

Koox hubeysan ayaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay 2 Askari oo katirsanaa ciidamada dowlada iyo 2 Ruux oo kale oo shacab ahaa.

Sidoo kale dableey hubeysan ayaa Suuqa Labaad ee ugu weeyn Soomaaliya Suuq Bacaad oo ku yaala Degmada Yaaqshid waxa ay ku dileen Labo ruux oo dhalinyaro ahaa.

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa xalay lagu dilay darawal gaari watay.

Xaafada Seegaal oo kat irsan Degmada Hodan ee Muqdisho ayaa qof dumar ah lagu soo waramaa in iyana lagu dilay.

Waxaa xusid mudan in ciidamo badan lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho islamarkaasina isgooysayada qaar la xiray hayeeshee waxaa si caadi ah magaalada uga dhaca dilal qorsheysan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho