Nin dad ku dilay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay.

Puntland Special Force

Duq degmada Gaalkacyo,Maxamuud Yaasiin Tumay ayaa sheegay in ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen nin xalay Waqooyiga Gaalkacyo ku dilay laba ruux oo shacab ah.

Tumay ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu qabay cudurka Neerfaha,islamarkaana dhowaan laga ruqseeyay ciidamada oo uu horay uga tirsanaa,kadib markii la xaqiijiyay in cudurkaasi uu qabo.

Labada ruux ee ku dhintay gacanta ninka ayaa la sheegay in ay ahaayeen wiil iyo aabihiis.

Duqa Gaalkacyo Maxamuud Tumay ayaa dhinaca kale caddeeyay in ay baarayaan cidda leh qoriga uu ninkaasi wax ku dilay.

PUNTLAND POST