Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta dood dheer ka yeeshay xiisadda dagaal ee ka aloosan gobolka Sool iyo cabburinta Somaliland ku hayso dad weynaha degmada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.
War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah, ayaa markale lagu sheegay in Somaliland cabburin iyo xarig joogto ah ku hayso shacabka magaalada Laascaanood,islamarkaana ay qaadayso mas’uuliyadda dhibaatada loo geystay bulshada reer Laascaanood.
Golaha Xukuumadda, ayaa sidoo kale dadweynaha reer Puntland u sheegay in lagu soo duulay dalkooda iyo jiritaankooda loona baahanyahay in ay is garab taagan dowladooda iyo ciidamadooda u diyaarsan difaaca dalka.
Dhinaca kale shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa looga hadlay,hannaanka caddaaladda dowladda Federaalka,waxaana qoraalka ka soo baxay lagu sheegay, in loo baahanyahay,hannaan garsoor Federaal ah oo abuuraya heerar maxkamado kala qeexaya,awoodaha Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar