Wararka Naga soo gaaraya Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada wax ka soo dhisay Baarlamaanka Soomaaliya.
Dableey Hubeeysan ayaa Nabadoonka Gurigiisa ugu galay iyaga oo kala baxay kadibna toogtay.
Kooxihii dilka Geeystay ayaa isaga baxsaday Goobta ay ku dileen Nabadoonka waxaana durba goobta soo gaaray Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Dalka waxaa ku soo badanaya Dilalka loo geeysanayo Ergadii wax ka soo dhisay Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post