Maxkmada Ciidamada oo xukuntay Eedeysanayaal loo heysto qarixii Naasa Hablood 2

Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeysay xukun ciqaabeedkii loo heeystay Dhalinyaro la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hoteel Naasahablood 2 ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa 28-kii Octobar ee sanadkii hore  2017 ayaa waxaa weerarkaasi oo ku dhow Madaxtooyada weerar ku qaaday Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa qabtay dhowr qof oo ay sheegeen in ay ka dambeeyeen weerarkaasi iyaga oo ka soo Muuqday maxkamad.

Ugu dambeeyntii Maxkamada ayaa saakay ku riday 3 eedeeysane oo kale ah :- Farxaan Maxammed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule dil Toogasho Ah.

Waxaa xukunkaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Col. Xassan Cali Nuur Shuute.

Hoos ka Daawo Muuqaalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho