Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxaana ay ka wada hadli doonaan arimaha Ciidamada AMISOM iyo Xaaladaha geeska Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho hal maalin qaadan doonto ku tagay Nairobi iyada oo aan si rasmi ah loo faah faahin u jeedka socdaalkiisa.

Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho