Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi saaka uu ka dhacay qarax miino oo khasaare geystay.
Qaraxa ayaa la la eegtay askar ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo masuul askartaasi ay la socdeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen 7askari iyo masuulkii maaliyada u qaabilsanaa Degmada Wanla-weyn oo magaciisa lagu sheegay Hurdaaye.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaasi iyaga oo warbaahinta ku hadla Afkooda ku baahiyay in ay qaraxaasi iyaga ka dambeeyeen.
Dhowaan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada Wanla-weyn waxaa ku dhintay askar iyo dad shacab ahaa.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post