Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ka soo horjeeystay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.
Ibraahim Iidle oo la hadlay Laanta Af-Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in sharci daro ay tahay xil ka qaadistaasi lagu sameeyay.
Waxa uu sheegay in ay kala madaxbanaanyihiin laamaha Dalka islamarkaasina garsoorka uu ka madaxbanaanyahay laamaha dowlada sida uu dhigayo Dastuurka.
Ibraahim Iidle Suleeymaan ayaa sheegay in wali uu yahay Gudoomiyaha Maxkmada sare ee dalka wax kama jiraana ay tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Digreeto uu soo saaray xilkii Gudoomiyaha Maxkmada sare kaga qaaday Ibraahin Iidle Suleeymaan isaga oo u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Aalaaba waxaa soo laa laabtay khilaafaadka ka dhasha Xil ka qaadista Madaxweynayaasha Soomaaliya ay ku sameeyaan Gudoomiyaasha maxkmada sare ee dalka Waxaa xusid mudan in khilaaf ceynkaan oo kale ah uu dhacay Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ahaa madaxweynaha Soomaaliya xiligaasi uu xilkii ka qaaday Abuukaate Caydiid Abdullaahi Ilka Xanaf Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho