Dawlada Qadar oo wadankeeda ka mamnuucday maciishada ay soo saaraan Dalalkii xiriirka u jaray

Dawlada yar ee Qadar ayaa gabi ahaanba dalkeeda ka mamnuucday in lagu iibiyo maciishada ay soo saaraan dalalkii xiriirka u jiray oo ay kamid yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar.

War kasoo baxay Wasaarada ganacsiga wadanka Qadar ayaa dadka leh dukaamada ku yaal wadankaas lagu amray inay gabi ahaanba dukaamadooda ka saaraan maciishadaha ay soo saareen wadamadaas, saraakiil ka socota Dawlada ayaana booqan doona dukaamada si ay hubiyaan inay amarkan fuliyeen.

Sidoo kale Dawlada Qadar waxay isku dayeysaa inay joojiso wax-soosaarka dalalkaas sida caanaha ka yimaada Sacuudiga ee soo mara dalal sadexaad, waxayna sheegeen inay arimahan uga gol leeyihiin bad-qabka maacaamiisha reer Qadar ee ku xiran maciishada dalalkaas ka timaada.

Arintan ayaa qayb ka ah khilaafka ba’an ee tan iyo sanadkii hore ka dhex aloosnaa wadamo uu Sacuudigu hogaaminaayo iyo Dalka Qadar, markii ay Dalalkaas xiriirka u jareen isla markaana ay xayiraad kusoo rogeen Dalka Qadar.

PUNTLAND POST