Laascaano:-Caaqil si adag uga hadlay colaada ka jidha Gobolka Sool

Mid ka mid ah Odoyaasha ugu caansan Gobolka Sool oo shir jaraa,iid kula hadlay Warfidiyeenka ayaa cod dheer ku sheegay inuu ka walaacsan yahay colaada ka jidha deegaano ka tirsan Gobolka xilli ay iminka isku horfadhiyaan deegaanka Tuka-raq labo ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland.

Caaqil Axmed Hoolif oo ka mid ah Odoyaasha Gobolka Sool ayaa ku dhaliilay maamulka Somaliland inuu ku khasbayo dadweynaha gobolkaas siyaasad iyo hadaf aysan rabin ama aysan raali ka ahayn oo ah gooni u goosad.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay taageero maamulka Somaliland ka hello shacabka,balse taas bedelkeeda ay ku kooban tahay siyaasiinta xilalka ka haya Xukuumadda Hargeysa, kuwaas oo aan habayaraatee tixgalin rabitaanka dadweynaha.

Caaqil Hoolif ayaa ka dalbadey ummadda Soomaaliyeed inay usoo gurmato dadka ku nool gobolladda Sool,Sanaag iyo Buhoodle oo uu ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda kala goynta midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Wuxuu imanayaa hadalka kasoo yeeray mid ka mid ah Odoyaasha ugu caansan Laascaano xilli xiisad dagaal oo ku saabsan soohdin iyo muran dhuleed ka dhex jirto labada maamul ee dariska Somaliland iyo Puntland.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.