Tukaraq: Puntland oo qabatay gaari iyo askar ka tirsan Somaliland

Wararka laga helayo Aaga Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland oo maalmo ka hor halkaas dagaal culus ku dhexmarey ayaa sheegaya galinkii dambe ee maanta cutub ka tirsan ciidamada Puntland inay ku qabteen gaari booyad ah iyo saddex askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo telefonka kula hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay qeyb ka mid ah ciidamadoodu gacanta ku dhigeen baabuur nooca biyaha lagu dhaansado iyo askartii la socdey.

Qabashada maxaabiistan iyo gaariga ay la socdeen ayaa timid ka gadaal markey si khalad ah uga soo dul dhaceen mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland ka samaystay agagaarka tuuladda Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo ciidanka Puntland qabto gadiid ay leeyihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan Aaga Tukaraq.

Jawiga Tukoraq ayaa hadda u muuqda mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal labaad oo ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya.

Aaga Tukaraq

PUNTLAND POST