Roobaab ma Hiigaan ah oo saacado badan ka da’aya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka da’aya roobab ma hiigaan ah oo socda saacado aad u badan.

Roobabkan ayaa biloowday xalay Lixdii saac ilaa xiligaan oo Lixdii saac oo duhurnimana waa ay ka da’ayaan Magaalada Muqdsisho.

Roobabka ayaa geystay khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Warar aan ka helnay degmada Xamar weyne ayaa waxaa ay sheegayaan in 3 ruux ay dhinteen kadib markii guryihii ay daganaayeen oo ahaa kuwo xili hore la dhisay ay ku soo dumeen.

Sidoo kale waxaa Jira khasaarooyin kale oo soo gaaray dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xerooyinka barakacayaasha ee Muqdisho.

Roobabka ayaa biyo farbadan dhigay wadooyinka muhiimka ee Muqdisho waxayna kala xireen isku socodka qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho, sidoo kale waxaa maanta baaqday imtixaankii shahaadiga ee dalka.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho