Puntland oo Wasiirka gaashaandhiga Somaliland iska hortaagtay inuu galo Badhan

Wasiirka gaashandhiga Somaliland Ciise Xanwar oo maalmahan socdaal ku maraayey degaano ka tirsan galbeedka Gobalka Sanaag, gaar’ahaan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ayaa xalay si lama filaana kusoo gaaray degmada Hadaftimo oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa magaalada Hadaaftimo kula kulmay Suldaanka guud ee Gobalka Sanaag Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan lamana oga waxa ay kawada hadleen, waxaase khilaaf xoogani ka dhashay markii uu wasiirku isku dayey inuu u gudbo Magaalada Badhan oo ah xarunta gobalka Sanaag ee Puntland, iyadoo ay magaaladaas kasoo baxeen ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka oo is hortaagay inuu wasiirku gaaro magaalada Badhan.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo weli wasiirka gaashaandhiga Somaliland waxa uu ku sugan yahay magaalada Hadaaftimo waxaana socota waan-waan lagu doonaayo inuu wasiirkaasi si nabada ku tago magaalada Badhan maadama uu kasoo jeedo deegaanka, hase ahaate taliska ciidamada daraawiishta Puntland ee gobalka Sanaag ayaa arintan si aada uga gaws adaygay, waxayna ku adkaysanayaan inuusan masuulkaasi tegi karin Badhan.

Booqashada Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ee gobalka Sanaag ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo aad u kulul laga dareemaayo qaybo kamida Gobalka Sool oo ay ciidamo xoogan kusoo daabulayaan dhinacyada  Puntland iyo Somaliland kaidb dagaaladii kharaaraa ee maalmo kahor degaanadaas ka dhacay.

PUNTLAND POST