27,600 oo Arday oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya maanta u fariisanaysa Imtixaanka Shahaadiga

Maanta oo Sabti ah oo ku beegan 19-ka May ayaa lagu wadaa in koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu ka biloowdo imtixaanka Shahaadiga ah ee dowlada Soomaaliya ay qaadeyso.

Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in imtixaankaan uu maanta ka bilaaban doono Muqdisho iyo Gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobo badan oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa maanta loo calaamadeeyay kuwaasi oo imtixaanka uu ka bilaaban doono amaanka ayaana si aad ah loo adkeeyay.

Masuuliyiinta Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee imtixaanka dowlada lagu daabaco dalka ay tahay sanadkaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho