Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socota xaflad lagu caleemo saarayo Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xaflada Caleemasaarka Gudoomiyaha waxa ay ka socotaa xarunta tababarada ciidamada Booliska ee General Kaahiye.
Xafladan waxaa ka soo qeeybgalaya Madaxda ugu sareeyso ee dalka Soomaaliya Sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale Xafladan caleemasaarka waxaa ka soo qeybgalaya Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana Wadooyinka lagu daadiyay ciidamo aad u hubeysan.
30-kii bisha April ayey aheyd markii Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ay xildhibaanada Baarlamaanku ku doorteen Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho