Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla weyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax khasaare geeystay.
Qaraxa ayaa ka dhacay aargada Degmada Wanla weyn halkaasi uu ku yaalo suuq ganacsi oo dad badan ay ka dukaameysanayeen.
14-Ruux ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku dhinteen oo u badan dad shacab ah oo goobta ka agdhowaa.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa la la damacsanaa askar ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo halkaasi marayay.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa u sheegay Warqabadka Puntland Post ee Muqdisho in khasaaraha laga yaabo in uu intaasi dhaafo.
Faah Faahinta Dib kala soco insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho